Muwaadin Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay Wadanka Koonfur Africa

Muwaadin Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay Wadanka  Koonfur Africa

Axad-July-7-2019(HNN)-Ninkan dhalinyarrada ah ee Soomaaliyeed ayaa lagu soo waramayaa in burcad koonfur Africaan ah ku dileen xalay deegaanka lagu magacaabo Naas ee Gobolka Mpumalanga

Murxuumka oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Cali Saqiir ayaa lagu waramayaa in lagu dilay dukaan uu ka shaqeynayay .

Dalka Koofur Afrika ayaa waxaa ku badan dilalka loo geysto Soomaalida,waxaana sidoo kale lagu beegsadaa dadka ajaanibtaa ah ee guud ahaan ka shaqeysta dalka Koofur Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published.