Dhul Gariir ku dhuftay Qeybo Kamida Gobalka Bari

Dhul Gariir ku dhuftay Qeybo Kamida Gobalka Bari

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhul-gariir cabbirkiisu yahay 5.0 magnitude oo xalay ku dhuftay gacanka Gardafu  oo kala qeybiya badweynta Hindiya iyo badda Cas, islamarkaana ku yaalla bariga fog ee Puntland.

Dhul-gariirka ayaa ku dhuftay, masaafo 171km dhanka Waqooyi bari ka xigta degmada Bareeda oo ka tirsan gobolka bari.

sida laga soo xigtay waaxda Sahanka dhulka ee dowladda Maraykanka waxaana uu bilowgii hore ruxay 10km oo gunta hoose ah, isagoo 13.3039 degree oo ballac ah u fiday dhanka waqooyi, halka dhanka barina uu gaaray 50.449 degree dherar ah.

Ma jiraan weli Wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan dhul gariirka ku dhuftay Gobalka Bari.

Leave a Reply

Your email address will not be published.