Ciidamo Katirsan Xooga Dalka loo diyaariyey la dagaalanka Al-Shabaab.

Ciidamo Katirsan Xooga Dalka loo diyaariyey la dagaalanka Al-Shabaab.

Iyadoo xeryo ku yaala gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho ay ka socdaan taba baro la siinayo qeybo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa waxa ay dowladdu sheegtay in ay diyaarisay qalabkoodana u dhameys tirtay Urur ka tirsan Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga dalka.

Ururka Dal-dhis ee Guutada 14 Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa ay sheegtay Dawladdu ay u dhameystirtay Qalabkii Ciidanka ee ay ku Howlgali lahayeen, sida Hubka, Gaadiidka dagaalka sibaa la yiri ay dalka uga Xoreeyaan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Taliye ku-xigeenka XDS Ahna ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga S/gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa sheegay in uu kormeer dhiiri-gelin ah ugu tagay Ciidankaas loo diyaariyey la dagaalanka Al-Shabaab oo ku jira Xerada General Gordan ee Magaalada Muqdisho.

Taliye Cabdi Xasan ayaa sheegay in Ciidanka ururka Dal-dhis uu kula dardaarmay in ay si wadajir ah uga qeyb qaataan Howlgalada Dalka Ka socdo oo uu sheegay in ay iyagu hormuud ka yihiin.

Wallow la sheego in ay habaxsanaan ka muuqato dagaalka lagula jiro Al-Shabaab hadana waxaa jira in Ciidamada Dowladda gaar ahaan Ciidanka xooga dalka ay dagaal Al-shabaab lagula jiro kawadaan qeybo badan oo ka tirsan gobolada dalka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.