Madaxweyne Xaaf oo fariin u diray Shacabka reer Gaalkacyo

Madaxweyne Xaaf oo fariin u diray Shacabka reer Gaalkacyo

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa tacsi u diray ehelada nabadoon xalay lagu dilay Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

” Inaalillaahi wa inaa ileyhi raajicuun waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan bulshada reer Gaalkacyo iyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo xalay kooxaha argagixisada ah ay ku dileen Magaalada Gaalkacyo, waxa uu ahaa nin qiimo badan oo aad uga shaqeeyay nabada Magaalada Gaalkacyo waxa uu ahaa dadkii Galmudug wax ka dhisay alle naxariistii jano haka waraabiyo samir iyo iimaan eebe ha inaga siiyo”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Xaaf ayaa bulshada reer Gaalkacyo ugu baaqay in ay meel uga soo jeestaan dadka cadawga ku ah jiritaankooda iyo noloshooda, isagoo xusay in ay jiraan qolyo kasoo horjeeda amniga iyo in ay nabad noqoto magaalada Gaalkacyo, cid walba oo ku nool  Gaalkacyo ayuu ugu baaqay in ay masuuliyad iska saarto amniga Magaalada.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.