Dowladda hoose ee Baladweyne oo soo bandhigtay fursado shaqo oo ka banaan.

Dowladda hoose ee Baladweyne oo soo bandhigtay fursado shaqo oo ka banaan.

Khamiis-Ogosto-15-2019(HNN)- Duqa magaalada Baladweyne Marwo Safiya Xassan Sheekh Cali Jimcaale ayaa soo bandhigtay fursado shaqo oo ka banaan dowladda hoose ee magaalada Baladweyne  sida  agaasimaah maamulka maaliyadda , agaasimaha  howlaha guud , agaasimaha arrimaha bulshada,iyo  agaasimaha waaxda dhulka dowladda hoose.

Afhayeenka dowladda hoose ee Baladweyne Nuur Maxamed Cali ayaa radio Beerlula u akhriyay warsaxafadeedka ka soo baxay duqa magaalada Baladweyne  Marwo Safiya Xassan Sheekh Cali Jimcaale.

Aqoonyahannada magaalada Baladweyne  ee daneyneyna shaqadan ayaa loogu baaqay inay keensadan warqadaha aqoonsiga CVga iyo shahadooyinka.

Duqa magaalada Baladweyne Marwo Safiya Xassan Sheekh Cali Jimcaale ayaa u yeertay ciidamada ilaalada deeganka Baladweyne si ay u gutan waajibaada saaran.

Dhanka kale duqa magaalada Baladweyne ayaa warsaxafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dhulka danta guud ee loo yaqaano bakhaarada raashinka Baladweyne si kumeel gaar ah looga dhigay suuq lagu kala siibsada xoolaha.

Afhayeenka dowladda hoose ee  Baladweyne  Nuur Maxamed Cali ayaa markale Radio Beerlula u akhriyay warsaxafadeedkan.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.

Leave a Reply

Your email address will not be published.