Waa Imisa Tirada Askarta AMISOM Ee Lagu Dilay Somalia ?

Waa Imisa Tirada Askarta AMISOM Ee Lagu Dilay Somalia ?

Khabiirka  u dhashay dalka Maraykanka ayaa soo saaray oo ka hadlayso dagaalka Somalia ee u dhaxeeya ciidamada AMISOM iyo dagaalamayaasha Alshabaab kaas oo dhowr iyo toban sano jirsaday,khabiirka ayaa soo bandhigay tirada ciidamada AMISOM eek u geeriyootay weeraradii ay la galeen Alshabaab.

Professor Paul Williams oo ah khabiirka sameeyay daraasaddaan ayaa shaaca ka qaaday in 1,800 oo ka tirsan askarta nabad ilaalinta loo keenay Somalia in lagu dilay tan iyo sanadkii 2017-kii.

Paul Williams ayaa sal uga dhigay baaritaankiisa ku dhawaad shan ilo wareedyo iyo Xogaha Ururka Midowga Afrika ee lacagaha la siiyey ehelada askartii  naftooda ku weysay dagaalka naf hurista ah ee Somalia ilaa 2007-kii.

Professor Paul Williams oo Arrimaha Caalamiga ka dhiga Jaamacadda George Washington University waxa uu Tiro-koobka khasaaraha soo gaaray Askarta AMISOM muddadii u dhexeysay bishii March ee sannadkii 2007-dii ilaa bishii December sannadkii hore ee 2018-kii ku sheegay inay u dhexeysay 1,483 Askari ilaa 1,884 Askari oo la dilay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.