Tababar ku saabsan ilaalinta xaquuqda aadanaha oo lagu soo gaba gabeeyay Baladweyne

Tababar ku saabsan ilaalinta xaquuqda aadanaha oo lagu soo gaba gabeeyay Baladweyne

Arbaco-Sep-18-2019(HNN) Magaalada Baladweyne ayaa lagu soo gaba gabeeyay tababar ku saabsan ka doodista qaraarka qaramada midoobay ee tirsigiisu yahay 1325 kaasoo ku saabsan ilaalinta xaquuqda haweenka, nabadda iyo ammaanka.

Tababarkan oo muddo labo maalmood socday ayaa waxaa ka qeyb galay xubno kala socda ururada bulshada rayidka magaalada Baladweyne.

Agaasimaha guud ee wasaaradda haweenka Hirshabeelle Deeqa Isaaq Xassan ayaa Radio Beerlula uga warantay ahmiyadda tababarkan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka Hirshabeelle, xildhibaan Xaliimo Cali Siciid oo soo xirtay tababarka ayaa hadalo dardaran ah u jeedisay ka qeyb galayasha tababarkan.

Qaar ka mid ah xubnaha ka qeyb galay tababarkan ayaa radio Beerlula uga waramay waxyabaha ay ka faa’ideen muddii uu socday tababarkan la soo gunaanday.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.

Leave a Reply

Your email address will not be published.