Dhalinyaro horey uga tahriibay Baladweyne, dibna ugu soo noqday oo abuurtay fursado shaqo

Dhalinyaro horey uga tahriibay Baladweyne, dibna ugu soo noqday oo abuurtay fursado shaqo

Talaado,Nov,26-2019(HNN)- Axmed Muxumed Warsame oo ah nin dhalinyaro ah oo ku nool magaalada Baladweyne ayaa  nolosha reerkiisa ku mareeya gaari noha oo uu ku shaqeysto.

Dhowr sano ka hor ayuu u tahriibay dalalka Itoobiya iyo kenya balse dib ayuu ugu soo noqday magaalada Baladweyne oo markii hore uu ka tagay kadib markii caqabado badan uu kala soo kulmay dalalkii uu tagay.

ka hor inta uusan iibsan gaarigan,  waxa uu ku shaqeysan jiray, mooto bajaaj, sidoo kale uu ka shaqeeyay xarqaan dharka lagu talo.

Axmed Muxumed Warsame oo loo yaqaano Basay ayaa radio Beerlula u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dabaro nolosha reerkiisa isagoo jooga Baladweyne.

Sidoo kale Axmed ayaa sheegay in dhalinyarada ku nool magaalada Baladweyne looga baahan yahay inay sameystan xirfado ay ku shaqeystan.

waxaa jira dhalinyaro badan oo sida Axmed oo kale horey uga tagay magaalada Baladweyne, balse markii ay ku adkaatay joogista halkii ay u tahriibeen dib ugu soo noqday magaalada islamarkana abuurtay fursado shaqo.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.

Leave a Reply

Your email address will not be published.