Home Wararka Ciyaaraha HNN Ole Gunner oo shan ciyaartooy ka diraya Qalcadda Old Trafford

Ole Gunner oo shan ciyaartooy ka diraya Qalcadda Old Trafford

Muqdisho(HNN)- Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadada Ingiriiska ayaa sheegaya in macalinka kooxda United ee Ole Gunner uu calamaadeeyay shan ciyaartooy oo uu doonayo in kooxda laga diro xagaaga .

Ole ayaa qabtay maamulka United December sanadkii 2018-da xilligaas oo lagu badalay Jose Mourinho waxa uuna dadaal ugu jiraa in uu kooxda dib u dhiso .

Wargeyska Mirror ayaa sheegaya in Ole Gunner uusan dooneyn in kooxda ay dib ugu soo laabtaan Sanchez iyo Chris Smalling oo amaah ugu jooga Inter iyo Roma waxa uuna maamulka ku qal qaalinaya ain la iibiyo .

Marka la eego Chris Smalling , kooxda uu haatan amaahada ugu joogo ee Roma ayaa dooneysa in ay toos u iibsadaan waxaana kaliya la isku qilaafsan yahay dhanka qiimaha

Marka labadaas laacib laga yimaado , xiddiagaha kale ee tababaraha United doonayo in laga taqlauso waxa ay kala yihiin Phil Jones , Lingard iyo Andreas Pereira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here