Home Wararka Ciyaaraha HNN 10-ka ciyaaryahan ee uu hoos u dhacay qiimahooda suuqa mudada lagu jiro...

10-ka ciyaaryahan ee uu hoos u dhacay qiimahooda suuqa mudada lagu jiro Coronavirus oo la shaaciyay

Baladweyne(HNN)- Faafaha Coronavirus oo saameyn weyn ku yeeshay dunida oo dhan ayaa wuxuu si gaar ah saameyn ku yeeshay qiimaha suuqa ee ciyaartooy badan maalmihii la soo dhaafay.

Haddaba Majalada “Transfermarkt” ee looga haray arrimaha dhanka suuqa ayaa waxay shaaca ka qaaday warbixin cusub ee ku saabsan qiimaha suuqa ee dhammaan ciyaartooyda adduunka.

Majaladan caanka ah ayaa shaaca ka qaaday in wadarta qiimaha dhammaan ciyaartoyda ku diiwaan gashan xogteeda ay hoos u dhacday 9.2 bilyan euro,

sababtuna waxay tahay in si toos ah ay ugu laabaneyso arrintan khasaaraha maaliyadeed ee aadka u culus oo ay la kulmaan inta badan kooxaha adduunka sabab la xiriirta gabi ahaanba joojinta kubadda cagta.

Majalada “Transfermarkt” ayaa waxay u adeegsatay hoos u dhaca ku yimid qiimaha ciyaartoygu arrimo badan, oo ay ku jiraan da’ada iyo heerka ay haatan ku jiraan.

Haddaba dhanka hoose ka boggo 10-ka xiddig ee uu hoos u dhaca ku yimid qiimahooda dhanka suuqa:

Eden Hazard: Qiimaha haatan waa 80 milyan – qaddarka hoos u dhaca waa 40 milyan

Neymar: Qiimaha hadda waa 128 milyan – qaddarka hoos u dhaca waa 32 milyan

Raheem Sterling: Qiimaha hadda waa 128 milyan – qadarka hoos u dhaca waa 32 milyan

Kevin de Bruyne: qiimaha hadda waa 130 milyan – qaddarka hoos u dhaca 30 milyan

Maxamed Saalax: Qiimaha hadda waa 120 milyan – qaddarka hoos u dhaca waa 30 milyan

Harry Kane: Qiimaha hadda waa 120 milyan – qadarka hoos u dhaca waa 30 milyan

Sadio Mane: Qiimaha hadda waa 120 milyan – qadarka hoos u dhaca waa 30 milyan

Lionel Messi: Qiimaha haatan waa 112 milyan – qadarka hoos u dhaca waa 28 milyan

Kepa Arrizabalaga: qiimaha hadda waa 32 milyan – qaddarka hoos u dhaca waa 28 milyan

Dele Alli: Qiimaha hadda waa 68 milyan – qaddarka hoos u dhaca waa 26 milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here