Home Wararka Ciyaaraha HNN Lix kamid ah Golaha Sare ee kooxda Barcelona oo iscasilay

Lix kamid ah Golaha Sare ee kooxda Barcelona oo iscasilay

Baladweyne(HNN)-  Lix kamid ah Golaha Sare ee maamulka kooxda kubbadda cagta ee Barcelona ayaa iscasilay kaddib markii ay sheegeen in ay san ku faraxsaneyn hannaanka maamul ee kooxda.

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen lixda xubnood ayey ku muujiyeen walaacooda dhaqaale ee kooxda ku sababi karo xanuunka COVID-19.

Sidoo kale waxa ay dhaleeceeyeen qaabkii ay kooxdu ku diiday cadaadisyo kaga imanaya ismaamulka Catalonia.

Waxa ay soo jeediyeen in koooxda Barcelona ay doorato madaxweyne cusub oo si hufan u qabta maamulka kooxda.

“waxaan go’aan qaadanay kaddib markii aan aragnay sida maamulka ula fagalayo dhibaatooyinka ku soo food leh kooxda tan iyo billowgii cudurka Korona” ayaa lagu yiri qoraalka ay sida wadajirka ah u soo saareen lixda xubnood oo kamid ah Golaha Sare ee kooxda.

Cudurka safmarka ah ee Korona ayaa dhammaan hakad geliyay dhacdooyinka ciyaaraha dunida oo dhan, iyadoo dalka Spain oo ay kumannaan ugu nafwaayeen xanuunkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here