Home Wararka HNN Ciidamo la wareegay xarunta madaxtooyada gobolka Hiiraan

Ciidamo la wareegay xarunta madaxtooyada gobolka Hiiraan

Baladweyne(HNN)- Howlgalo qorsheysan oo uu horkacayo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa xalay saqdii dhexe lagu weeraray xarunta madaxtooyada gobolka oo saldhig u aheyd Cali Maxamed Caraale oo dhawaan laga qaaday xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan islamarkana ka soo horjeestay xil ka qaadista lagu sameeyay.

Ciidamada ammaanka  gobolka oo fuliyay howlgalkan  ayaa la wareegay xarunta madaxtooyada gobolka Hiiraan iyagoo gacanta ku dhigay guddoomiyihii gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday Cali Maxamed Caraale mana jirto wax khasaaro ah oo ka dhashay howlgalkan.

Ammaanka xarunta madaxtooyada gobolka  ayaa waxaa hadda si wada jir ah u sugaya ciidamada ammanka iyagoo ka foojigan weerar soo qaadan maleeshiyaad isku heyb yihiin guddoomiyihii hore Cali Maxamed Caraale oo hadda isna lagu hayo guriga gobolka.

Cali Maxamed Caraale ayaa diiday inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, isagoo sheegay in sifo sharci aheyn xilka looga qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here