Home Wararka Ciyaaraha HNN Barcelona oo go’aan lama filaan ah ka gaartay mustaqbalka Philippe Coutinho

Barcelona oo go’aan lama filaan ah ka gaartay mustaqbalka Philippe Coutinho

Muqdisho(HNN)- Waxaa si aad ah dhowaanahan cirka isugu shareeray hadal heynta mustaqbalka Philippe Coutinho, kaasoo lala xiriirinayo in xagaagan uu ay iska iibin doonto kooxda Barcelona.

Xiddiggii hore ee Liverpool ayaa xilli ciyaareed amaah ah ku qaadanaya kooxda Bayern Munich kaddib 18 bilood oo uu ku dhibtooday ka soo dhalaalista garoonka Camp Nou.

Qaab ciyaareedkiisii quruxda badnaa oo lumay kaddib, waxaa jaraa’iddada ka faallooda ciyaaraha qaaradda Yurub ay qabeen in Coutinho uu soo idlaaday waqtigiisii Barca, lana dhigi doono suuqa xagaaga.

Hase ahaatee, sheeko taas ka duwan ayaa soo if baxday oo ku aaddan in kooxda reer Spain ay sii heysan doonto 27-jirkan, sida ay qortay Sport oo ka soo baxda Spain.

Dhibaatooyinka dhaqaale ee uu sababay coronavirus ayaa hoos u dhigtay qiimaha ciyaartoyda ee suuqa kala iibsiga, sidaas darteed, Barcelona oo aanan dooneyn inay qiimo hoose ku fasaxdo kubbad sameeyahan ayaa baddashay qorshaheedii iibinta laacibka reer Brazil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here