Home Wararka Ciyaaraha HNN Booliska magaalada Liverpool oo ka walaacsan saameynta ka dhalaneyso in Reds ay...

Booliska magaalada Liverpool oo ka walaacsan saameynta ka dhalaneyso in Reds ay hanato Premier League

Baladweyne(HNN)- Booliska magaalada Liverpool ayaa ka sii digaya cabsida ay ka qabaan in taageerayaasha kooxda Liverpool FC ay jabiyaan sharciga kala fogaanshaha dadka ee lagu xakameynayo faafista cudurka coronavirus marka ay u dabaal dagayaan horyaalkoodii ugu horreeyay muddo 30 sano kaddib.

Waxaa sidoo kale jirta cabsi ku aaddan in taageerayaasha Reds ay burburiyaan waddooyinka maalinta ay gacanta ku dhigaan horyaalka Ingiriiska markii ugu horreysay tan iyo 1990, inkastoo wali ay dunida ay ku jirto musiibada caafimaad ee China ka soo billaabatay dhammaadka sanadkii aynu ka soo gudubnay.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa kaliya labo guul u jirta hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, balse bishii la soo dhaafay ayaa xannibaad la galiyay sii socoshada horyaalka kaddib markii uu darsaday faafaha coronavirus.

Booliska ayaa ka tashanaya inay taageerayaasha ka hor istaagaan inay sameeyaan isugu soo baxaan bannaanka Anfield si la mid ah markii xilli ciyaareedkii hore ay qaadeen tartanka Champions League sida laga soo xiganayo Liverpool Echo.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in xitaa haddii dib loo billaabo ciyaarista horyaalka Ingiriiska lagu ciyaari doono garoommo faaruq ah, balse marka ay Reds xaqiijiso hanashada horyaalka ayaa laga baqanayaa in taageerayaashu ay sameeyaan dabaal deg ay bannaanka isugu soo baxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here