Home Top News Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la bixin doono kharashada ku baxaya ka...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la bixin doono kharashada ku baxaya ka hortaga Fatahaada Baladweyne

Baladweyne(HNN)- Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, mudane Xasan Cali Khayre ayaa Wasaaradda Maaliyadda faray fududeynta kharashaadka ku baxaya dadaallada looga hortagayo fatahaadda Beledweyne ee wadajirka ay u wadaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, si looga baajiyo fatahaad ku soo rogmata magaalada.

Ra’iisul wasaaraha oo warbixin faahfaahsan ka dhageystay guddi hoosaadka ka hor tagga fatahaadaha ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee ee bulsahda ugu baaqay in xoogga la iskugu geeyo ka hortago fatahaadda oo aan la sugin waxyeellada.

Dadaallada iminka socda ayaa isugu jira; Carro-tuur lagu sameynayo meelaha uu jiinka webiga ka jilicsan yahay iyada oo la isticmaalayo agab u adkeysan kara biyaha muddo fog iyo furista kanaallo yar yar oo qeyb ka qaadan kara hoos u dhigidda biyaha webiga, arrinkaan ayaa ka dhashay qiimeyn lagu sameeyay goobaha uu webigu ka fataho iyo cabbirka biyaha ay xilli roobaadkan gaari karaan.

Guddiga ayaa sheegay in diyaarado lagu daabulayo agab dheeraad ah oo loogu tala galay in biyaha looga celiyo magaalada Beledweyne, si ay u guuleystaan dadaallada iyo iskaashiga shacabka iyo dowladda, looguna gogol xaaro hannaan ay bulshadu cabsi la’aan ugu noolaan karto magaalada.

Dowladda Federaalka ah ayaa dhowaan soo bandhigeysa qorshe ballaaran oo xal waara loogu raadinayo fatahaadaha soo laalaabta ee ka dhasha wabiyada iyo roobaka kuwaas oo sannad waliba dhibaata xaddigeedu ballaaranyahay gaarsiiya qaybo badan oo kamid ah dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here