Home Wararka HNN Tirada dadka uu soo ritay Coronavirus oo korortay Somaliland

Tirada dadka uu soo ritay Coronavirus oo korortay Somaliland

Baladweyne(HNN)- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay inuu kordhay dadka lafa helay cudurka Coronavirus, kaddib baaritaano saacadihii la soo dhaafay lagu sameeyay dadka ku nool gobolada Somaliland.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cali C/llaahi ayaa sheegay in 48-dii saac ee la soo dhaafay laga helay 19 qof, kuwaasoo laga qaaday dheecaan sidaas lagu ogaaday inay qabaan Covid-19

13 ka mid ah dadka laga helay ayaa ku sugan magaalada Hargeysa, halka 16 kalena ay joogaan Gobolka Awdal, waxaana isugu jiraan 11 rag ah iyo 8 Haween ah.

Illaa hal qof ayaa u dhintay cudurkan, waxaana wadarta guud ee dhimashada ay gaartay 8 qof, halka ay ka bogsadeen 8 qof oo xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay.

Tirada guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaanada Somaliland ayaa gaartay 87 qof, waxaana tirada dadka la baaray ay gaarayaan 586 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here