DHAGEYSO: Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo Iscasilay

DHAGEYSO: Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo Iscasilay

Isniin, November, 5, 2018(HNN) Cabdicasiis Xasan Maxamed Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhow ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Wasiirnimo. Waxaa uu sheegay in uu u mahadcelinaayo ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,islamarkaana uu go’aasaday in uu xilkaasi ka taggo si uu buuxiyo Shuuraddaha laga rabo Musharaxiinta Koonfur Galbeed. Lafta […]

Roobow oo noqday Musharaxii ugu horreeyay ee Isdiwaan galiya

Roobow oo noqday Musharaxii ugu horreeyay ee Isdiwaan galiya

Isniin, November, 5, 2018(HNN) Xilli Ololaha doorashadda Madaxtinimadda ay si xowli ah kaga socoto Magaalada Baydhabo ayaa hadda waxaa bilowday Musharaxiinta doonaya in ay isdiwaangaliyaan si loogu ogolaado in ay tartamaan. Musharaxii ugu horreeyay ee isdiwaangaliya waxaa noqday Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo horay dowladda Soomaaliya ay ugu diiday in uu ka qeyb galo […]

Madaxweynaha Jubbaland oo Guddoomiyay Shirka Amniga Jubbaland

Madaxweynaha Jubbaland oo Guddoomiyay Shirka Amniga Jubbaland

Isniin, November, 5, 2018(HNN) Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta shir gudoomiyay shirka Golaha Amniga ee heer Dowlad Goboleed. Shirkan waxaa ka qayb galay dhamaan dhinacyada amniga ee Jubbaland ka howlgala iyadoo diirada lagu saaray qodobadii kal hore la isla qaatay iyo qaabkii waxyaabaha ka dhiman loo hirgalin lahaa. Madaxweynahu wuxu ugu horayn […]

SAWIRRO: Madaxweynaha maamulka galmudag oo qaabilay Wafdi ka socda UN-ka iyo AU

SAWIRRO: Madaxweynaha maamulka galmudag  oo qaabilay Wafdi ka socda UN-ka iyo AU

Isniin, November, 5, 2018(HNN) Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo waxa uu ku qaabilay Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya Nichalos Haysom iyo Wakiilka AU u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira oo saaka soo gaaray Magaalada Galkacyo. Madaxweynaha oo ay wehlinayaan Madaxa Xukuumada Galmudug iyo Golaha wasiirada Galmudug ayaa waxa […]

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo gaaray Gaalkacyo

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo gaaray Gaalkacyo

Isniin, November, 5, 2018(HNN) Waxaa goordhow Magaalada Gaalkacyo gaaray ergayga gaarka  ah xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom iyo wafdi uu Hogaaminayo. Xarunta Madaxtooyada ayaa wafdiga waxaa ku soo dhaweyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo Madaxa Xukuumada Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir . Soo dhaweyn iyo isbarasho kadib ayaa wafdiga […]

Puntland iyo Soomaaliland oo Madaafiic Isku Weydaarsaday Tukaraq

Puntland iyo Soomaaliland oo Madaafiic Isku Weydaarsaday Tukaraq

Isniin, November, 5, 2018(HNN) Wararka naga soo gaaraya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Saacaddihii lasoo dhaafay ay Madaafiic isku weydaarsadeen ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ee halkaasi ku sugan. Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Madaafiicda ayaa socotay dhowr Daqiiqo waxaana ka dhashay Khasaare Isku jira dhimasho iyo dhaawac. Waxaa  […]

Mareykanka oo sheegay in duqeyn cusub uu ka fuliyay Jubada Hoose

Mareykanka oo sheegay in duqeyn cusub uu ka fuliyay Jubada Hoose

Isniin, November, 5, 2018(HNN)Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa shaaciyay inuu duqeyn ka fuliyay deegaanka Araare ee Gobolka Jubadda Hoose 3-dii bishan, halkaasoo howlgalo ka wadeen ciidanka xoogga dalka. War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay aheyd mid is difaac ah, xilli Al-Shabaab ay isku dayeen inay soo weeraraan […]

DAAWO: Shir sannadeedka golaha wasiirada oo ka furmay Muqdisho

DAAWO: Shir sannadeedka golaha wasiirada oo ka furmay Muqdisho

Axad, November, 4, 2018(HNN) Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay kulan sannadeedka golaha wasiirada ee dar-dar gelinta qorshayaasha qaranka oo looga tashanayo geedi socodka qorshe howleedka mudnaanta iyo hor-tebinta leh ee xukuumaddu fulinayso sannadka 2019. Shirka oo loo qorsheeyay in uu socdo maanta iyo berri ayaa maanta dib loogu […]

SAWIRRO: Tababar loo soo xiray ciidan ka tirsan ururka 60-aad ee ilaalada Madaxtooyadda.

SAWIRRO: Tababar loo soo xiray ciidan ka tirsan ururka 60-aad ee ilaalada Madaxtooyadda.

Axad, November, 4, 2018(HNN) Ciidan ka tirsan ururka 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta tababar u socday muddo saddex bilood ah loogu soo xiray madaxtooyadda Soomaaliya. Munaasabadda tababarka loogu soo xirayay ciidanka waxaa kasoo qayb galay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, saraakiil ka socda ciidanka xoogga dalka, wasiiru dowlaha […]